Wasaaradda Maaliyadda XFS, Hay’adda Lacagta Adduunka IMF & Bangiga Adduunka ayaa kawada xaajoonaya hannaanka dib u eegista 5aad ee Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya & hubinta sida ay Wasaaraddu u fulisay shuruudaha la hordhigay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalku ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah howlaha la xiriira deyn cafinta Soomaaliya.

Advertisement

Waxa uu sheegay in Hannaanka ku habboon ee deyn cafinta lagu saleeyay nidaamka federaalka si Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka doorkooda uga qaataan sare u qaadista qorshaha deynta looga dhaafayo Soomaaliya.

Sare u qaadista dakhliga gudaha, maareynta Maamulka Maaliyadda guud & nidaamka Dowlad-wanaagga waa meelaha ugu badan ee laga qiimeynayo Xukuumadda Soomaaliya si ay uga gudubto shuruudaha la hordhigay.

Wasaaradda Maaliyadda XFS, Hay’adda Lacagta Adduunka IMF & Bangiga Adduunka ayaa muddo kawada xaajoonaya qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, XFS waxaa la hordhigay shuruudo kala duwan oo marba heer soo gaaray