Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo shir Guddoomiyay shir looga hadlay abaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa si hordhac ah ay u qoondeysay $1 Milyan (Hal milyan oo Doollar) si wax looga qabtao Abaarta.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga Gurmadka Abaaraha faray in si degdeg ah uu ugu howlgalo sidii loogu gurman lahaa qoysaska ku dhibaateysan Gobollada Dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalbaday in gurmad la siiyo qoysaska ku dhibaateysan Gobollada Dalka, waxa ay ku dhawaaqday in xaalad abaar dalka uu galay sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here