Xi Jinping ayaa markii saddex noqday hoggaamiyaha Shiinaha kadib kulan toddobaad socday oo looga hadlayay xoojinta maamulka xisbiga shuuciga ee haya awoodda.

Xi waxaa mar kale loo magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga-waxay ka dhigan tahay in mar la gaaro bisha March dib loogu dooranayo madaxweynaha Shiinaha.

Wuxuu kasoo muuqday shirka guddiga xisbiga ee Politburo- oo ah guddiga ugu sarreeya ee leh go’aanka dowladda.

Xi Jinping wuxuu sheegay in xisbiga Shuuciga uu ku guuleystay in uu hirgeliyo bulsho dhexdhexaad ah oo barwaaqo gaartay isla markaana uu hadda qaadi doono tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aaddan tallaabooyin lagu abuurayo bulsho hantiwadaag ah oo casri ah.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here