XIGASHO LAACIB.NET

Sida laga soo xigtay El Desmarque, xiddiga khadka dhexe ee reer Holland Frenkie de Jong ayaa loo tixgelinayaa inuu noqdo kabtanka koowaad ee Barcelona haddii Marc-André ter Stegen si rasmi ah looga xayuubiyo xilka kooxda.
Muranka u dhexeeya Ter Stegen iyo Barcelona ayaa cirka isku shareeray kadib markii goolhayaha Jarmalka uu diiday inuu saxiixo foom ogolaansho ah oo ogolaanaya in warbixinta qalliinkiisa dhabarka hoose loo gudbiyo guddiga caafimaadka ee LaLiga. Tani waxay horseedday in dacwad anshaxeed la furo xilli shaki xooggan la geliyay doorkiisa hoggaamineed.
Barcelona ayaa Talaadadii, August 5, 2025, kasoo laabatay safarkeedii pre-season ee Asia, iyadoo xiisadda u dhaxeysa kooxda iyo Ter Stegen ay sii xumaatay.
Khilaafka wuxuu ka bilowday kadib markii Barca ay lasoo wareegtay goolhaye Joan García oo ay ku bixiyeen €18 milyan, taas oo si dadban u muujisay in kooxda aysan kalsooni buuxda ku qabin Ter Stegen, isla markaana ay suuqa dhigeen.
Waxa kale oo khilaafku kordhay markii Ter Stegen uu si madax-bannaan ugu dhawaaqay inuu saddex bilood ka maqnaan doono garoomada, taas oo ka hor imanaysa qiimeynta caafimaad ee kooxda oo sheegeysay inuu u baahan yahay muddo ka dheer. Warbaahinta Sport ayaa sheegtay in kooxda ay go’aan ku gaartay in laga qaado kabtannimada sababo la xiriira “hoggaan la’aan”.
Haddii Ter Stegen laga xayuubiyo kabtannimada:
- Frenkie de Jong ayaa la filayaa inuu noqdo kabtanka cusub.
- Arinta ayaa ah mid lala yaabay, maadaama Ronald Araujo uu xirtay kabtannimada inta lagu jiray pre-season-ka.
- Raphinha isna wuxuu ahaa kabtanka inta badan kulamadii xilli ciyaareedkii hore.
Barcelona waxay wajahaysaa xilli ciyaareed cusub oo ay ka muuqdaan isbedello ballaaran, waxaana suuragal ah in Frenkie de Jong uu noqdo wajiga cusub ee hoggaanka kooxda haddii Ter Stegen laga qaado xilka kabtanka, taasoo calaamad u noqon karta jiho cusub oo Barca ay qaadeyso.
