HomeWarkiiXidhibaanada mucaaradka ku ah Dowlada oo ku eedeeyay Madaxweyne Xassan iyo Aadan...

Xidhibaanada mucaaradka ku ah Dowlada oo ku eedeeyay Madaxweyne Xassan iyo Aadan Madoobe dib u dhaca kal-fadhiga 7-aad

Xidhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwoo mucaaracka ah ee ka tirsan madasha samatabixinta ayaa maanta soo saaray warsaxafeed ay kaga hadalayaan kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo maanta loo balansanaa inuu furmo  balse dib loo dhigay.

Xildhibaanadaan ayaa waraxaafadeedkooda waxay eedey ba’a ugu jeediyeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe marka la eego sababta baaqashada kalfadhiga oo maanta furmi lahaa.

Xildhibaanada waxay ku dhaliileen Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiye Aadan Madoobd inay ku guul dareysteebn ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka ayna horseedeen musuq maasuq iyo kala qeybin bulsho,waxay ugu baaqeen beesha Caalamka ineysan aqoonsan waxa ka soo baxa kalfadhiga 7-aad marka uu furmo,sidoo kale waxay soo jeediyeen in lagyu cadaadiyo gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya si loo ilaaliyo dastuurka iyo didaanka Dowladeed.

Haddaba warsaxaafadeedka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

May be a doodle of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -