HomeWarkiiXiisad Beeleedka Gal-mudug oo  meeshii ugu xumeyd gaartay iyo maamulka oo dhaq...

Xiisad Beeleedka Gal-mudug oo  meeshii ugu xumeyd gaartay iyo maamulka oo dhaq dhaqaaq bilaabay

XINLABI (DAYNIILE.COM)-Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisad u dhexeysa laba beelood oo walaalo ah kuwaasoo wada dega gobolada Maamulka Galmudug ee  Mudug iyo Galgaduud.

Bartamihii bishii Oktobar ayay ahayd markii maleeshiya  beeleed ay aano qabiil u dileen hooyo iyo sedex caruur ay dhashay halka maleeshiyaad ka soo jeeda besha kale iyaguna shalay oo 1-da November ah dileen hooyo laba caruur ay dhashay inkastoo caruurta la sheegay inay wali naftu ku jirto balse hooyada ayaa geeriyooday.

Maamulka Galmudug oo bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo uu ku qaboojinayo xiisada ayaa la soo sheegayaa inay ciidamo dul dajiyeen deegaan Xiinlabi oo ay isku urursanayeen beesha ugu danbeysa ee dadka laga dilay kuwaasoo ku heyb Madaxweynaha Galmudud Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa muuqaal iska duubay maleeshiyaadka ku heybta ah Qoor-Qoor kuwaasoo maamulka ugu hanjabay hadii aysan ciidamada ka dul qaadin inay iyagu iska dul qaadi doonaan xili ay doonayaan inay xiisad beeleedka sii kiciyaan.

Maleeshiya beeleedkaan waxay sidoo kale Makamada Galmudug ugu baaqeeen inay si degdeg ah isu daayaan sedexda nin ee reerkooda ah kuwaasoo ku eedeysan dilka hooyada iyo sedexdeeda gabdhood.

Si kastaba Maamulka Galmudug waxaa looga fadhiyaa inay xiisadaan xal u keenaan islamarkaana awood cidan iyo xeelad iyo mid garsoorba addeegsadaan inta aysan xaaladu gaarin meel ay adag tahay in wax laga qabto.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -