HomeWarkiiXiisad laba beelood u dhexeysa oo caawa ka taagan Deg.Bandiiradleey

Xiisad laba beelood u dhexeysa oo caawa ka taagan Deg.Bandiiradleey

BANDIIRADLEEY (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Degmada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa Magaaladaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed beeleed.

Saaka aroortii ayaa maleeshiya beeleed waxay duleedka Bandiiradleey gaar ahaan tuulada Qorax ku laayeen 10 ruux oo shacab ah aano qabiil darteed halka 10 kalana ay dhaawaceen .

Xiisad ka dhalatay dilka saaka dadkaasi loo geystay ayaa caawa ka taagan degmada Bandiiradlee xili Maamulka Gobolka Mudug uu isku dayayo inuu soo qabto maleeshiyaadkii saaka xasuuqa geystay si looga hor tago xiisada taagan oo keeni karta in maleeshiyaadka kale iyaguna dad laayaan.

Maleeshiya hubeysan ayaa laga soo sheegayaa inay is abaaul wadaan taasoo caawa aad looga dareemayo Degmada Bandiiradleey sida ay sheegtay idaacada Kulmiye.

Dadka shacabka ee saaka la dilay waxaa ku jira 2 caruur ah kuwaasoo dhamaantood si arxan daro ah loo laayay .

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -