Xiisad colaadeed oo u dhaxeyso beelo walaalo ah ayaa ka taagan degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa la gubay ugu yaraan 4 guri, halka todobaadkaan la gubay 9 guri.

Dad ku sugan Warsheekh ayaa soo sheegaya in guryaha la gubay ay ka darantahay maleeshiyaadka is hor fadhiyo oo laga cabsi qabo in uu dagaal dhaxmaro.

Tuulooyinka ay dhibaatada ka jirto waxaa kamid ah, Warsame Muuse, Moore Garasley, Docol, Cada-bari oo dhamaan hoos taga degmada Warsheekh.

Carruurta iyo haweenkii daganaa guryahaas ayaa muddooyinkaan jiifa meel banaan ah waxeyna marti u yihiin dhaxanta habeenkii iyo qorraxda maalintii.

HirShabeelle waxaa ka taliyo Madaxweyne aan laga aqoonsaneen gobalka Hiiraan waxaana ka sii dartay xaalada maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here