Advertisement

 

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Xiisad culus oo  ka taagan deegaan lagu magacaabo Haabaay oo hoos taga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe.

Halka Xiisada ka taagan tahay ayaa ah Halkii loo qorsheeyay in laga dhiso garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Somaliya marka laga reebo Garoonka aadan Cadde oo hada la isticmaalo.

Dadka deegaanka Haabaay ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsato iyo siyaasiyiin ay doonayaan in dhulkaas ay hadda gataan, si dhaqaale badan ay hadhow ugu xujeeyaan dowladda.

Sidoo kale Dadka deegaanku waxay sheegeen in hadda aysan xubnahaas ka xaraashi doonin dhulkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya ay mashruucaas ka fuliso deegaanka markii la gaaro qorshihiisa.

Nairobi

 

 

Previous articleWarar dheerad ah oo ka soo baxaya Dilka Abuukar Jawiil oo ahaa xoghayihii degmada Ruun-nirgood
Next articleSafaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka jawaabtay Xukun ay ku ridday Maxkamad ku taalla Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here