Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay dileen qof shacaba halka ay 4 kale dhawaceen markii ay jidka u galeen gaari ka baxay Magalada Cabud-waaq kuna sii jeeday Magaalada Dhabad.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in saaka uu xiisad dagaal ka taagan yahay deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Cadaado iyo Dhabad taasoo ka dhalatay dilkaasi oo lagu macneeyay aanooyin qabiil.

Advertisement

laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Dhabad iyo Cadaado ayaa xiisadaan dagaal u dhexeysaa, bilahaan danbe waxaa ku soo badanaya deegaanada Galmudug dagaal beeleedyada xili maamulka Goboleedka Galmudug uusan wali xal rasmi ah u keenin arimahaan sida inay ciidamo kala dhex dhigaan sidoo kale u sameeyaan maxkamado shaqeeya.

Dhowr qofood ayaa maalmihii ugu danbeeyay aanooyin qabiil loogu dilay isla gobolka Galgaduud iyadoo aaney jirin dib u heshiisiin dhab ah oo beelaha loo sameeyay si looga hor tago isku dhacyada joogtada noqday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMacalin Iskuul oo isku dilay Gaalkacyo iyo adeerkiis oo beeniyay inuu is dilay
Next articleCumar C/rashiid iyo Museveni oo ka hadlay guusha Dowlada Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here