HomeWarkiiXiisad Dagaal oo ka dhex taagan Soomaalida iyo Canfarta 

Xiisad Dagaal oo ka dhex taagan Soomaalida iyo Canfarta 

Wararka laga helaayo dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in xiisad dagaal uu ka dhex taagan yahay Soomalida iyo canfarta oo ka mid ah qowmiyadaha ka wada tirsan Dowlada Faderaalka Itoobiya.

Xaka Canfarta iyo Soomalida waxaa laga soo sheegayaa in qarka loo saaran yahay in xabadi ka dhex bilaabato labada dhinac kadib markii canfartu sheegeen inay soo ceshanayaan dhul kaga maqan dhanka Soomalida halka wararka dhanka Soomaalida laga helayana ay sheegayaan in Canfartu dooneyso dhul balaarsi .

Soomaalida waxay sidoo kale canfarta ku eedeeyeen inay abaabulayaan dagaal ay ku doonayaan inay ku boobaan ama dhulka Soomaalida qeybo ka mida ay xoogan xili ay ku andacoonayaan in iyaga dhul laga xooggan.

Ciidamo hubeysan oo Soomaali iyo Canfar ah ayaa la soo sheegayaa in dhinac kastaa dagaal u diyaarsan yahay xili canfartu dhul balaarsi u soo hub qaaten  balse Soomaalida ayaa la soo sheegayaa inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan dulmiga canfarta iyo dhulka balaarsiga ay wadaan.

Dhanla kale ciidamada Dowlada faderaalka ee Itoobiya ayaa lagu wadaa inay soo farageliyaan arintaan si looga hor tago iska hor imaad dhiig badani ku daato.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -