HomeWarkiiXiisad Dagaal oo ka taagan deegaanka Qaayib

Xiisad Dagaal oo ka taagan deegaanka Qaayib

QAAYID (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi saaka uu ka taagan yahay xiisad dagaal oo u dhexeysa dadka deegaanka iyo dowlada oo garab ah iyo Kooxda Alshabaab oo dhinaca kale ah.
Ciidamo ka kala socda labada dhinac ayaa la soo sheegayaa inay isku horfadhiya duleedka deegaanka Qaayib iyadoo shacabka deegaankaasi ka cabsanayaan in dushooda lagu dul dagaalamo.
Deegaanka Qaayid oo la sheego inuu yahay deegaan Istaraatiiji u ah isku socodka Magaalooyinka iyo deegaanada Gobolka Gal-gaduud ayaa hore marar badan loogu dagaalamay gacan ku heynteeda.
Maamulka Galmudug iyo wasaarada gaashaandhiga midkoodna wali kama hadlin xiisada dagaal ee ka jirta deegaankaasi inkastoo xiisadaan dagaal saaka ay soo korortay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -