Xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Sanaag

 

 

Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed.

Xiisada ayaa ka dambeysay, kadib markii laba Maalin ka hor maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Goob kaalin shidaal lagu iibiyo ah,isla markaana rasaastas ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo Afar ka mid ah ay haween ahaayeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Ceel-Afweyn ayaa sheegay in maleeshiyaadka kasoo kala jeeda dadkii la dilay iyo kuwii ka dambeeyay dilkooda ay isku hub aruursanayaan lagana cabsi qabo inay dagaalamaan.

Deegaanka Ceel-Afweyn ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland, hayeeshee dhowr mar ay ku fashilmeen inay kala dhex galaan maleeshiyo beeleedyada oo wada dagaalamay.

Dadka deegaanka Ceel-Afweyn qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi dagaal, isla markaana Goobaha qaar ee ganacsiga ay xiran yihiin.

Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay sheegay in la qabtay qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilkaas oo sababay xiisada Maanta ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064