Magaalada Garowe ayaa saakay ku waaberiisatay iyadoo dadku ay cabsi weyn ka muujinayaan in ansixinta Baarlamanka ee wax kabadalista Dastuurka in ay dhaliso iska hor imaad waxaana taas ay sababtay in dhaqaaqa magaalada aad u yar yahay.

Dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland ayaa weli ka socda magaalada Garowe, kadib markii baarlamaanka uu u codeeyay inuu wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka

Advertisement

Dad badan ayaa xalay iyo habeen hore isaga qaxay xaafadaha ku teedsan baarlamaanka, iyo meelaha ay kasoo duuli karaan ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka.

Warar aan si dhab ah loo xaqiijin waxay sheegayaan in baarlamaanku fadhi ka dhiganayo xarunta ciidamada ee 54-aad, oo kutaala duleedka waqooyi ee magaalada Garowe, si ay Dowladda uga gaashaamato in lasoo weeraro xildhibaanada baarlamaanka.

Previous articleIlaalada Gudoomiye Madaale oo dilay askari katirsan dharcadka NISA
Next articleXisbiga Waddani oo eedo cul-culus u jeediyay xukuumada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here