HomeWarkiiXiisad dagaal oo laga soo sheegayo Dooloow iyo Jubaland oo xirtay garoonka...

Xiisad dagaal oo laga soo sheegayo Dooloow iyo Jubaland oo xirtay garoonka diyaaradaha

DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Doolow ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka dhex taagan tahay ciidamo kala taabacsan Faderaalka iyo maamulka Jubaland.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Axmed Madoobe ee Jubaland ka jooga Doolow ay xireen garoonka diyaaradaha Doolow xili Jubaland ka cabsi qabaan dhaq dhaqaaqyo milateri oo faderaalku wadaan.

Guud ahaan shaqadii garoonka doolow ayaa xaniban mana jirto wax shaqo ah oo garoonkaasi ka jira iyo wax diyaaradihii soo degi jirey iyo kuwii ka duuli jirey.

Ciidamo labada dhinac ka kala tirsan ayaa la soo sheegayaa inay dooloow ka wadaan dhaq dhaqaaqyo laga cabsi qabo inuu dagaal isku badalo mar hadii magaalada ay iskula sugan yihiin xili gacan ku heyntana la isku hayo.

Xiisadaan dagaal ayaa ku soo aadeysa xili baraha bulshada saacadihii ugu danbeeyay aad looga hadal hayo in Faderaalku C/rashiid Janan u soo magacaabeen Taliyaha xasilinta Magaaladaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -