Deegaanka Xanan-buure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa saaka laga soo sheegayaa xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo colaadeed.
Deegaankaan ayaa shalay iyo xalay waxaa la dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed iyadoo saakana ay u muuqato in mar kale beeluhu dagaalami karaan.
Advertisement
Madaxda iyo odey dhaqameedyada Galmudug ayaan wali qaadin talaabo cad oo ay ciidan ku dhex dhigayaan labada maleeshiyo ama ay xitaa waan waan iyo xabad ioojin ka sameynayaan.
Bilahaan danbe waxaa soo kordhaya dagaal beeleedyada laga soo warinaayo gobolada Dalka haba ugu badnaadaan Hirshabelle iyo koonfur galbeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM