Jowhar(dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in saaka xiisado dagaal ay ka jiraan deegaano  Jowhar hoos taga oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiuo Beeleed.

Isla labadii Beelood ee shalay dagaalantay ayaa la soo sheegayaa inay qarka u saaran yihiin inay mar kale saaka isku dhacaan xili aysan jirin cid ku ka lala dhex jirta.

Advertisement

Labada Tuulo ee Tugaareey iyo Gaashaanle ayaa isku haya dhul beereed halkaasi ku yaala oo beel kasta sheeganeyso mana jirto wali cid soo kala dhex gashay marka la eego Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo halkaasi ka arimisa.

Dadka deegaanka ayaa laga soo wariyay in labada Maleeshiyo isu muuqdaan aadna loo dareenayo xiisad dagaal islamarkaana ay macquul tahay inay is gaaraan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCali Guud-laawe oo maanta saxiixay Xeerka Ciidanka Booliska+Sawirro
Next articleTaliye xigeenka Booliiska Atmis oo booqday Booliiska Dhoobleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here