HomeWarkiiXiisad Dagaal oo saaka ka taagan Magaalda Dhahar oo wali la isku...

Xiisad Dagaal oo saaka ka taagan Magaalda Dhahar oo wali la isku hor-fadhiyo

DHAHAR (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Dhahar ee Gobolka Heyland ayaa sheegaya in halkaasi oo shalay lagu dagaalamay uu saaka ka jiro xiisad dagaal madaama wali dhinacyadii dagaalamay is hor fadhiyaan.
Aagagii shalay ay ku kala jireen ayaa la soo sheegayaa in wali sideedii ay tahay oo aanay jirin cid guul gaara gaartay waana sababta saaka looga cabdi qabo in daqiiqad kasta xabadu dib u bilaaban karto.
Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin dhinacyada kala matalaya ayaa iyagana la sheegay inay gaareen Magaalada Dhahar iyagoo isku dayayaya inay xal u raadshaan waxa la isku hayo islamarkaana ka hor tagaan inuu dhaco dagaal danbe.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeysay dagaalka inay Dowlada Somalia ka danbeyso halka Dowlada iyo odayaasha dhaqanka ee Maakhir ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland Saciid Dabi inuu ka danbeeyo iyagoo shaaciyay inuu isaga qaadi doona masuuliyada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -