Wararka aan Maanta ka heleyno degaano hoostaga  Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay iisad dagaal oo u dhaxeeya Ciidamo kala taabcsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Xiisadda ayaa ka dambeeysay kadib markii Somaliland ay Ciidamo farabadan keentay degaano u dhow Magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay gacanta kuhayaan Ciidamo katirsan kuwa dowlad goboleedka Puntland.

Dadka degaanka ayaa u warramaya inay soo wajahday cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo, waxaana labada dhinac ay Ciidamo farabadan geeyeen degaannada ay xiisadda ka taagan tahay.

Horay Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland waxaa ay ugu dagaalameen degaano ka kala tirsan gobolada Sool iyo Togdheer, iyada oo aan weli xal laga gaarin weerarkii Ciidamada Somaliland ku qaadeen 7-dii Bishii February ee sanadkii 2011-kii degaanka Kalshaale ee Gobolkaasi Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here