CEEL-BUH (DAYNIILE.COM)-Magaalada Ceel-buh ee Gobolka Sanaad waxaa laga soo sheegayaa xiisad dagaal oo u dhexeysa Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntlan xili gaadiid dagaal iyo gurmadyo ay halkaasi gaarayaan.
Xiisada ayaa si rasmi ah ugu dhexeysa ciidamo uu wato Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo garab ka helaya Dowlada Somalia iyo ciidamada Maamulka Puntland waxaana lagu isku hayaa gacan ku heynta Magaaladaasi Ceel-buh.
Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in hub Dowladu dirtay lagu wado inuu gaaro Magaalada Laas-caanood saacadaha soo socda xili hubkaasi loo daabuli doono Magaalada Ceel-buh oo la ciir ciireysa gaadidika dagaalka iyo ciidamada labada dhinac ay halkaasi ku sii qulqulaya.
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolada Sanaad iyo Heyland ayaa taageero iyo garaba wuxuu ka helayaa Maamulka SSC Khaatumo, wuxuuna dagaalku u muuqdaa mid u dhexeeya Dowlada,Khaatumo iyo waliba Maakhir oo dhinac ah iyo Puntland oo dhanka kale ah.
Arinta ugu weyn ee dagaalkana keeni karta ayaa ah in Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo reer Maakhir ah uu ka shaqeynayo inuu Heyland iyo Sanagba doonayo inuu ku biirayo Maamulka aqoonsiga helay ee SSC KHaatumo halka Puntland ay taas ka soo horjeedo.
Isimada reer Maamulada SSC Khaatumo ,Puntland iyo Maakhir midkoodna wali ma muujin inay xiisadaani wax ka qabtaan si arintu gacan ka hadal u gaarin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
