HomeWarkiiXiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Maamulka Somalland iyo Dowlada Jabuuti

Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Maamulka Somalland iyo Dowlada Jabuuti

DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhex qarxday Dowlada Jabuuti iyo Maamulka Somalland oo hore calaaqaadkooda uu aad u wanaagsanaa tan iyo wixii ka horeeyay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii Dowlada Jabuuti albaabada isugu laabtay xafiiskii diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ku lahayd dalka Jabuuti.

Sidoo kale Maamulka Somaliland oo og halka dabeyshu ka soo gashay ayaa u wacatay siyaasigooda uga wakiilka ahaa madaama Jabuuti ereisay,sidoo kale wararku waxay intaasi ku darayaan in Jabuuti ka kafikirayso inay joojiso in dalkeeda galaan cid kasta oo ka imaaneysa dhanka Somaliland.

Dowlada Jabuuti wali kama hadlin war rasmi ahna ma siin warbaahinta laakiin idaacada BBC-da ayaa sheegtay Sarkaal ka tirsan Dowlada Jabuuti uu u xaqiijiyay jiritaanka warkaan islamarkaana ay xireen shaqadii uu hayay xafiiskii reer Somaliland uga furnaa Jabuuti

Xiisadaan oo ka dhalatay aqoonsiga Yuhuudu ee Somaliland iyo xiriirka ay la yeelan doonto ee dhanka Milateriga ayaa sababay inuu gabni ahaanba meesha ka baxo calaaqaadkii ka dhaxeeyay Jabuuti iyo maamulka Somaliland madaama Jabuuti aad u tageerto Dowlada Somalia.

AFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -