MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maalintii labaad sii xoogeysnaya xiisad iyo muran ka dhashay diidmada lacagta shilin Soomaaliga ah waliba Kunka shilin oo awalba dalkoo dhan hore looga diiday balse kaliya laga isticmaalayay Muqdisho iyadoo waliba jeexjeexan.
Ganacsatada waa weyn iyo sarifleyda ayaa walaac xooggan ka qaba diidmada kunka shilin madaama ay haystaan ama u keydsan tahay malaayiin lacagtasi ah, hadii diidamada ay sii socotana ay qasaari doonaan lacagta ay hada hayaan ee malaayiinta shilinka Soomaliga ah.
Suuqyada ayuu hada dareenka ugu badan ka taagan yahay ,meelaha ugu wanaagsan ee reer Mudisho ay faa’iidada ku qaban waxay ahayd gaadiidka dadweynaha kuwaasoo xitaa lacagta jeexan iska qaata iyagoo madaxa uun ka tiriya.
Dowlada Somalia hadii aysan bad baadin oo faragein degdeg ah ka sameyn diidmada lagala hor yihiin lacagta kun kunka shilin ah, waliba waxa kaliya ee Dowladu xiisadan ku dejin karto ayaa ah inay soo daabacdo lacagta Kun-kunka shilin iyadoo cusubna Muqdisho soo gaarsiiso taasoo sahli doonta in xitaa gobolada ay ka shaqeyso lacagta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
