Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa wajahaya dhaliil xooggan oo kaga timid Beesha uu ka dhashay Axmed Cabdullaahi Ceydiid oo shalay sabtidii lagu qisaasay Muqdisho.

Beesha ceydiid waxay sheegeen in si aan sax aheyn loo maray toogashada qisaasta aheyd ee dable xoogga dalka xilli ay sheegeen in ay habraaca la maray ay dano gaar ah ku hoos jiraan.

Kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayey odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee beeshaasi ay soo saareen go’aano ka dhan ah Dawladda dhexe iyo hanaanka loo maray qisaasta ay cabasho xooggan ka keeneen.

Axmed Cabdullaahi Ceydiid oo shalay lagu qisaasay fagaaraha toogashada dugsiga ciidamada tababarka ee general gordan magaalada Muqdisho ayaa hore dilkiisa waxaa ka baaqsaday inuu saxiixo Farmaajo xilligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka.

Dable Ceydiid ayaa waxaa loo heystay dilkii uu ugeystay wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya marxuum Cabaas siraaji oo 3 may 2017-kii la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here