HomeWarkiiXiisad ka dhex taagan Booliiska Kenya iyo reer Garisa kadib markii Booliisku...

Xiisad ka dhex taagan Booliiska Kenya iyo reer Garisa kadib markii Booliisku inkireen dilka Wiil Soomaaliyeed

GARISA (DAYNIILE.COM)-Kadib markii hebeenkii Axada Ciidamada Booliiska Kenya toogteen 25 jir Soomaali ah oo waday gaari Taksi ahaan uu ugu shaqeysanayay ayay Booliiska Kenya gabi ahaanba inkireen iyagoona dhacdada u diiwaan geliyay shil ahaan inuu wiilka u geeriyooday taasoo sababtay banaan baxyo rabshada wata inay ka dhacaan shalay Magaalada Garisa.

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Amos Ambasa oo ayaa si cad u inkiray dilka Axmed Sheekh Cumar, Taliyaha wuxuu warbaahinta u sheegay in wiilka markii uu arkay askarta uu si dedeg ah waddada uga leexday, taasina ay sababtay shilka gaariga taasina waxaa cara ka sii qaaday ehalada Marxuumka.

Axmed oo ahaa darawal taksi ayaa dadka deegaanka iyo Eehalada Axmed Rabi ha u naxariistee waxay iyaguna cadeeyeen in dhimashiisu ay keentay rasaas ay fureen Booliiska gaar ahaan kuwa loo yaqaan (RPU) oo ah kooxda  ka jawaabidda rabshadaaha degdegga ah kuwaasoo saldhig ku leh deegaanka Modhikaarey.

Masuuliyiinta Magaalada Garisa ee Soomaalida iyo xildhibaan laga soo dorto isla magaaladaasi ayaa cadeeyay in marxuumka ay xabadi madaxa kaga taalo taasoo cadeyneysa in la toogtay sidaas daraadeed waxay Dowlada ka dalbadeen in askariga gacan ku dhiiglaha maxkamad la horkeeno si ciqaabtiisa uu u maro.

Xildhibaanka iyo Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macallin Dawaara  ayaa isna shegay in dhacdooyinkaan Soomaalida lagu beegsanayo ay soo noqnoqdeen oo aysan tan kaliya ahayn,isagoo tusaale u soo qaatay wiil kale oo ciidan ahaa  oo ku dhintay meel Gaarisa ka tirsan oo la yiraahdo Dhamajaaley inkastoo wali sharaxaad ah aan laga helin lana hubin cida dishay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -