MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Xaafada War-lalis- Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad ba’an ay ka taagan tahay halkaasi kadib markii ciidamada Dowladu duulaan ku qaadeen halkaasi sida shacabku u sheegeen warbaahinta.
Ila wareedada shacabka laga helaayo ayaa sheegaya in ciidamada Dowladu rasaas nool nool u adeegsadeen shacabka islamarkana inta la ogyahay ay hada dhinteen 3 shacab ah halka 9 kalana ay dhaawacan yihiin sida uu warbaahinta u cadeeyay mid ka mid dadweynaha aagaasi.
Shacabka ayaa sheegay inay Beel ahaan dagaalami doonaan hadii Xildhibaanada Beesha Mursade si degdeg ah arintaan wax uga qaban oo u soo faraggelin.
“Beel ahaan ayaan u dagaalameynaa,aniga waligey warbaahin ma hor iman dagaalna kuma fakerin inaan Dowlada kala hor imaado laakiin hada waxaan diyaar u ahay inaan dagaalamo” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka reer Dayniile
Si kastaba xiisadaan ayaa ka dhalatay kadib gadood ay shacabka xaafadda warlalis ka sameeyeen qorshe Dowladu dooneysay inay shacabka uga rarto halkaasi si ay ula wareegto, shacab badan oo ka careysan qorshaha Dowlada ayaa dhagxaan kala hortagay ciidamada Dowlada kuwaasoo iyaguna rasaas nool nool kaga jawaabayay waana tan keentay dhimashada iyo dhaawaca,,.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COMÂ Â
