NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ganacsatada Soomaalida ee Tukaamada waa weyn ku leh Xaafada Islii ayaa cabasho xooggan u gud-biyay ismaamulka Naiobi ee Dowlada hoose ee Kenya iyagoona dacwa ka ah dadka heysta ganacsiyada yar yar ee loo yaqaan waratada inkastoo marar badana ay hore u dacwoodeen.
Ganacsatada Soomaalida waxay ku andacoonayaan in heshiisyo hore loola galay dadka waratada loo yaqaan ee ganacsiyadooda dhigta laamiga qarkiisa iyo halka laga galo dukaamada ama moolalka waa weyn ee ay ganacsiga ku leeyihiin kuwa cabanaya madaama lacag badan oo kiro ah laga qaado.
Ganacsatada Soomaalida waxay Dowlada Kenya gaar ahaan ismaamulka Nairobi ka codsadeen in ganacstada yar yar lagula xisaabtamo waqtigii loo ogolaa ee hore loogu heshiiyay inay soo dhaqa galaan kasoo ah wixii ka bilowda 5-ta galabnimo balse inta ka horeysan aysan iman karin suuqa.
Waxaa jira dhibaatooyin kale oo dhanka Dowlada ka imaanaya taasoo ah inay waratada ka qaataan lacag asbuucii lacag dhan 500 oo shilin oo lacaga Kenya ah taaso u suuragelineysa waratada inay caadi u shaqeystaan oo halkii galab ay ka imaan lahaayeen waxayba soo shaqa tagayaan subixii tasoo keenta ciriiriga ay ka cabanayaan ganacsatada waa weyn.
Lama yaqaan sida Ismaamulka Nairobi isugu keeni doono inuu wax ka qabto cabashada ganacsatada leh Tukamada waa weyn sidoo kalana ay u xakameyn karaan kuwa laga cabanayo ee ah ganacsatada yar yar ee laamiga qarkiisa keensada badeecadahooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
