MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xiisad culus ay ka dhex taagan tahay Maamulka Degmada Dharkeenleey iyo Maxkamada isla Degmadaasi Dharkeenleey taasoo ugu danbeyn keentay in warqad shalay ka soo baxday Maxkamada lagu amray Taliska Booliiska inay soo xiraan Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Yaaqshiid, Maxamed Cabdullaahi Siyaad.
Masuulkaan oo ah ninka labaad ee ugu sareeya Degmada Dharkeenley ayaa ku eedeysan inuu weeraray xarunta Maxkamada,hubna la galay islamarkaana handaday hogaanka iyo garsoorka degmada Dharkeenleey.
Wararka madaxa banaan ayaa sheegaya in Gudoomiye xigeenku u weeraray Maxkamada arimo la xiriira muran ka dhashay lacagta kirada guriga uu degmadaasi ka degganyahay darteed.

