NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Maalmihii ugu danbeeyay waxaa aad isu soo tarayay xiisad ka dhex taagan Soomalida Kenya iyo Mukambada taasoo ugu danbeyn maanta sababtay in la joojiyo gaadiidka waa weyn ee sida joogtada uga bixi jirey Nairobi islamarkaana aadi jirey Garisa sidoo kale kuwa Garisa ka soo bixi lahaa ee u soo socday Nairobi.
Dadka Mukambada ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay jidka u galayeen gaadiidka Soomaalida ay raacaan ee isaga dhex goosha Garisa iyo Nairobi iyagoo dhagxaan la dhacaya taasoo mararka keeneysay in gaadiidku muraayadaha ka wada burburo kuna dhaawacmaan shcabka Soomaalida.
Mukambada ayaa aad loo hadal hayaa inay naceyb u qaadeen Soomaalida oo xurguf ay soo kala dhexgashay , waxay isku urursadaan oo isku balansadaan degaanadooda oo u dhexeeya Nairobi iyo Garisa si ay Soomaalida u dhibaateeyaan.
Xaafada Islii ayay si gaar ah uga baxaan Basaska waa weyn ee aada dhanka Garisa iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaldu degto balse saaka gabi ahaanba waa la hakiyay safarka dhanka Garisa aadi jirey.
Weerar lagu qaaday Bas Soomaalidu la socotay ayaa shalay baraha bulshada lagu faafiyay xili dhawr qof ay ku dhaawaceen xili basku soo marayay Tuulooyinka Mukambada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

