Xiisad ka taagan deegaano ka Tirsan Gobolka Galgaduud

0

Xiisad ka taagan deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud.Wararka laga helayo degaanka Qalaan-qale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed,kuwaas oo dagaal dhex-maray horay xal looga gaaray.

Wasiirka Arimaha Guddaha Galmudug Cabdi Waayeel iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray degaankaas si ay labada dhinac ula kulmaan ayaa waxaa la sheegay in maleeshiyaadka iyo odayaasha labada dhinac ay dhagaha ka fureestay dalabka Wafdiga taas oo keentay in Wasiirku ku laabto Cadaado.Odayaasha labada dhinac ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay ku doodayaan in Wasaaradda fulin weysay Amar ay ku joojisey deegaameynta cusub sida qodista Barkadaha , Ceelasha, Bacaha dhulka lagaliyo iyo Dhismayaasha kale, Guud ahaanba Galmudug kaasoo Wasiirku soo saarey 13-kii bisha May ee Sanadkan.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Amniga Maamulkaas ayaa horay waxaa ay u sheegeen in marnaba aan la aqbali karin dagaal beeleedyada soo laab laabta,waxaana la filayaa inay wafdi u diraan degaanka Qalaan-qale ee Gobolka Galgaduud.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here