HomeWarkiiXiisad u dhexeysa Mucaaradka iyo Dowlada oo ka taagan Muqdisho

Xiisad u dhexeysa Mucaaradka iyo Dowlada oo ka taagan Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Xalay ,saaka ilaa galabta waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayaa xiisad dagaal oo u dhexeysa mucaaradka iyo Dowlada Somalia iyadoo gaadiid dagaal iyo kala duwan aad loogu arkayo laamiyada iyo xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Dhanka Mucaaradka ayaa u muuqda inay isu diyaarinayaan banaan baxa beri hadii uu dagaal isu badelo inay iska difaaci karaan ciidamada Dowlada oo tira ahaan iyo taya ahaanba ka badan dhanka mucaaradka madaama Dowladu adeegsaneyso awooda qaranka Somalia.

Labada Hogaamiye ee dhanka Mucaaradka ciidanka ugu badan Muqdisho xiligaan ku soo bandhigay waa Shariif iyo Khayre kuwaasoo aagag ka kala sameystay Degmooyinka C/casiis iyo Howlwadaag.

dhanka kale Sawiro baraha bulshada aad loogu faafinayo ayaa muujinaya in sida ay wax ku socdaan qatar loogu jiro in dagaal loo socdo hadii aanay waxgaradka  reer Muqdisho ku bixim isu hub urursiga iyo khilaafka xooggan ee sababay mucaaradku isu diyaarinaayaan dagaal ay la galaan Dowlada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -