HomeWarkiiXiisad wali ka taagan Magaalada Boorame xili C/raxmaan Cirro amray ciidamada Milateriga...

Xiisad wali ka taagan Magaalada Boorame xili C/raxmaan Cirro amray ciidamada Milateriga inay ka baxaan

BOORAMA (DAYNIILE.COM)-Magaalada Boorame waxay saaka ku waabariisatay waji aan qurux badneyn waxaana wali ka taagan xiisad iyo colaad u dhexeeysa Ciidamada Milateriga Somaliland iyo shacabka ku dhaqan Boorame oo xarun u ah Gobolka Awadal.

Shacabka ayaa halkooda ka sii wada rabshadaha halka ciidamaduna sidaas oo kale iyaguna sidii rasaasta u wadaan ,waxaa la arkacayaa aanalaasyada oo shaqeynaya inkastoo wali kiisas dhimasho iyo dhaawac aan wali la soo tabin.

Xaalada Saaka ee Magaalada Brooma  ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweynaha Maamulka Somaliland ku baaqay nabad iyo in xaalada la dejiyo,isagoona waliba ciidamada ku amray inay ka baxaan Magaalada.

Lama yaqaan sida saaka xaalku noqon doono iyo in baaqa C/raxmaan Cirro ee Nabada uu shaqeyn doono iyo in mar kale dhiiga dhagta loo dari doono shacabka reer Awdal kuwaasoo aad ugu kacsan Maamulka iyo Buugga xeerka Ciise.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -