Waxaa sii xoogeysana dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo jabhada TPLF ee ka dagaalamaya gobolka Tigray-ga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ku eedeeyay ismaamulka Tigray-ga in ay waddaan wax uu ku tilmaamay qiyaabo Qaran iyaga oo doonaya ayuu yiri bililiqeystaan hanta Qaranku leeyahay, waana tan keentay in ra’iisal Wasaaruhu ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya u fasaxo in ay howlgal ka sameeyaan gobolka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada, Xisbiga TPLF ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here