HomeWarkiiXiisada Ruushka iyo NATO ku sii dhawaaneysa dagaal inuu ka dhax...

Xiisada Ruushka iyo NATO ku sii dhawaaneysa dagaal inuu ka dhax qarxo

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisada u dhexeysa Isbahaysiga NATO iyo Dowlada Ruushka taasoo ka dhalaneysa dagaalka Ukarine ka socda oo muda sanado ah si toos ah u socda xili dalka Ukarine intiisa badan la bur buriyay lana qabsaday.

Madaxweynaha Mareykanka oo NATO hogaamiya ayaa hadana ka shaqeynaya sidii dagalkaasi u dhici lahaa isagoon ku jirin oo dibad joog ka ah kaliya wuxuu cadeeyay inuu dhanka hubka iyo rasaasta ka saacidi doono NATO.

War qoraal ah oo u ekaa inuu dagaalka isagu hurinaayo ayuu Trum baahiyay isagoo Ukraine ku boorinaya inay markaan iyagu weerar qaadaan madaama Ruushku dhaqaalihiisa liito sida uu warka u dhigay ,sidoo kale Yurub inta NATO ku jirta ayuu ku booriyay inay Ukraine la saftaan oo ku dadaalaan sidii ay dib Ruushka uga saario lahaayeen dhulka Ukraine.

Trump oo warbixintiisa ku cadeeyay ineysan iyagu dagaalka toos ugu lug yeelan doonin ayaa xusay inuu ka saacidi doono dhanka tasiilaadka dagaalka sida hubka oo kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa lagu yaqaan inay dunida oo dhan dagaal ka huriyaan marka ay xilka hayaan walibana Trump wuxuu kaga duwan yahay Madaxdii hore ee isla Xisbiga dagaalka ee Jamhuuriga inuu ka shaqeeyo kaliya dagaal dalal kale u dhexeeya isaguna uu daawade iyo taageere uu ka yahay sida uu hada Israa’iil ugu dhiiri geliyo inay marba meel weraraan.

Trump wuxuu siyaasada Xisbiga Jamhuriga ku soo kordhiyay xitaa inay Gaashaan-buurta NATO oo ay hogaaminayaan hadana ay daawadaan dagaal NATO ku jirto inkastoo hada uusan wali dhicin laakiin waa midka hada ay wajiga Yurub u yeelayaan ee ay rabaan in Ukraine lagu difaaco.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

Russia vs. Nato: who would win in a war? | The Week

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -