HomeWarkiiXiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea oo qarka u saaran inuu dagaal...

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea oo qarka u saaran inuu dagaal isku badalo

ADIS ABABA (DAYNIILE.COM)-Waxaa xiisad adag ay ka dhex taagan Dalalka Eritrea iyo Itoobiya iyagoo hawada isu marinaya eedo kulul oo dal kasta kan kale ku dhaliilayo inuu duulaan ku soo yahay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhowr mar dacwad qortay Q/Midoobay oo ay kaga cabanayaan Eritrea xili ay ku eedeynayaan inay gudaha Itoobiya ka abaabulayaan beelaha ama qowmiyadaha Itoobiya kuwooda Dowlada ku kacsan si ay u garabsadaan.

Dowlada Itoobiya waxay qoraalkeeda dacwada ku cadeysay inuu jiro  iskaashi dhex maray Maamulada Tigray iyo Jabhadda Amxaarada si dhamaan ay u sameeyaan talaabooyin lidi ku ah Dowlada Faderaalka Itoobiya.

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya ayaa sheegay in  Eritrea ssku diyaarineyso dagaal ay Itoobiya ku soo qaado xili uu warqad qoraaal uu u diray xoghayaha gudu ee Qaramada Midoone inkastoo aaney cadeyn xaalkaan halka uu ku danbeyn doono.

Xiisadaan cusub ayaa soo korortay kadib markii dhawaan Dowlada Itoobiya cadeysay inay Bada Cas qeybta Eritrea soo ceshanayaan madaama markii ay ka go’day ay iyaga u hartay badda,Abiy Axmed ayaa ku celceliyay in Itoobiya oo 100 miltan ka badan aysan suurgal ahayn inay noolaato Bad la’aan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -