Laas-caanood (dayniiile.com)-Ciidamada Maamulada Qaatumo iyo Somaliland ayaa la soo sheegayaa inay isku hor fadhiyaan xadka Gobolka Sool iyagoo wada dhaq dhaqaaqyo dagaal.

Wararku waxag intaasi ku darayaan  labada dhinac qarka isku saaran yihiin inay dib u bilaabaan dagaaladii ka dhaxeeyay xili Laascaanood hore looga saaray Maamulka Somaliland.

Advertisement

Gaadiid dagaal ayaa dhanka Somaliland ka imaanaya kuwaasoo furimaha hore lagu soo daad gureyno ,waxayna muujineysa inay duulaan ku yihiin dhanka Qaatumo oo iyaga laftoodu muujinayaan dhaq dhaqaaqyo is difaacid ah.

Labada dhinac masuuliyiintooda ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxay hawada isu marinayeen hadalo ad-adag kuwaasoo dhamaan dagaal ku soo biya shubanaya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM


 

Previous articleGen.Sheegoow iyo ciidamadiisii oo Maxkamada Ciidamada mar kale ka soo muuqday+Sawirro
Next articleXamaas oo beenisay faanka Yuhuuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here