Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa wajahaya cabsi iyo amni darro la xariirta isku socodka xilliyada habeenkii ah, xilli waddanka uu ku jiro xaalad kala guur ah.

Maalmahii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhay dilalka iyo dhaca xilliyada habeenkii loo geysto shacabka taas oo sababtay in qof walba oo muqdisho ku nool uu xilliyada habeenkii ah ku dhiiran waayo in uu qaato taleefankiisa gacanta isagoo ka cabsanaya in laga dhaco.

Dadka dhaca geysta ee fuliya howlahaan isugu jira dilka iyo dhaca taleefanada, Kumbuyuutarada iyo wax walba oo qaali ah ayaa ku labisan dharka Ciidamada kala duwan ee ammaanka ee dowladda iyo kuwa wata dhar shacab taas oo sabab u noqotay in dadweynaha ay ka kalsooni baxaan kana cararaan ciidamadii looso tababaray in ay naftooda ku ilaaliyaan, dhaxantana u taagan difaaca shacabka.

Taliyihii masuulka ka ahaa Booliiska Soomaaliya Xijaar ayaa billaabay ku mashquulka nuuca ay u jaasaan kooxda iyaguna ku mashquulsan TikTok iyo dhaqanka xun soo gudbintiisa, waa qoorkood oo ma wada xuma.

Xijaar halkii laga rabay inuu wax ka qabto qorshena u keeno Amniga Muqdisho oo loo caalwaayey Tuugada iyo kuwa dadka dila waxa uu xirtay xaafado dhan oo ku dhow Dekadda Muqdisho, si qudhiisa aan looga dhicin Telephone-da.

Xamar ayaa marti galinaysa dhibaatooyin Booliisku ka gaabiyey iyo Xijaar kii ugu waynaa oo ku mashquulsan dhul bannaan inuu raadiyo si uu u qaato iyo Dhallintii TikTok.

Haddii Xijaar sii wado baacsiga Gabdha iyo Wiilasha TikTok waxaa faha kasii baxaya Ammaanka Muqdisho. Waxaase masuuliyaddi saaran tahay hadda RW Rooble oo ay tahay inuu la xisaabtamo Xijaar oo dayacay Ammaanka Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa dalbanaya in Taliska Booliiska Soomaaliya isbadal xoog leh lagu sameeyo si loo helo saraakiil iyo Ciidan qaata kaalintooda, shacabkana nabad la baadi gooba.

Haddaba, Adigu malmahaan ma aragaty cabsi iyo ammaan darro kusoo korortay degmada ama xaafadda aad ka degan tahay Muqdisho? Aragtidaada.

Cali Aadan Muumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here