Siyaasi XildhibaanvC/raxmaan C/shukuurcWarsane ayaa qoraal uu soo geliyay bartiisa Face-book wuxuu kaga hadaly sababta keentay in dad isku qoys ah is dilaab sida kuwa isu dhaxay iyo kuwa is dhalay.

Xildhibaanka oo qoraalkiisa u cus-kaday Cilmi baaris la sameeyay wuxuu u qornaa sidan:-

Advertisement

Cilmibaaris ay bilawga sanadkii 2023 iska kaashadeen hay’ada Caafimaadka Aduunka ee Qarammada Midoobay (WHO), Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, ayaa lagu sheegay in 76% dadka Soomaaliyeed la noolyihiin xaalad nafsadeed/maskaxeed (mental health) oo ah xanuunka maskaxda iyo dhimirka ku dhaca.

Xanuun maskaxeedku waa cilad ku timaadda maskaxda saamaysana dareenka qofka, sida uu u fekero ama u dhaqmo. Sida ruuxu u bukoon karo ayey maskaxdiisana u bukoon kartaa, waxaana ka dhasha xaalado ay ka mid yihiin welwelka iyo walbahaarka badan, cabsida iyo khalkhalka, buufiska iyo isku buuqa, shakiga iyo kurbada, saamaynta taban ee nafsada kaga timaada waayaha qaraar ee qofku soo mara sida (dhiig, dagaallo, xadgudub jinsi, cayrtoobid, mushkilad qoys/jacayl, dhimashada qof ku weyna iwm.

Cilmibaaristu waxay kaloo sheegtay in boqolkii kun ee da’yar ah ee kastaba 22 ay ka yihiin inta looga baqayo in ay isdilaan oo ay naftooda haligaan (suicide) .

Haddaba dilalka maalmahan bulshada ku badanaya ee ka dhexdhacaya qoysas ehel ah, dad isqaba, kuwo walaalo iyo waalid isku ah waxay salka ku hayaan cudurrada maskaxda iyo dhimirka ku dhaca. Aad ayey u tira yaryihiin dadka takhasuska u leh cudurrada cilmi nafsiga. Waxaan soo jeedinayaa in dawladda, dhakhaatiirta iyo culimadu iska kaashadaan wax ka qabadka hawhsan loona arko in ay tahay mushkilo qaran.

Previous articleMaxaa ka soo baxay kulanka labada Taliye Milatari Somalia iyo Talyaani+SAWIRRO
Next articleCiidamada Dowlada iyo kuwa Col.Saneey Cabdulle oo ku dagaalamay Deg.Adan Yabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here