MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen (Odowaa) oo hore aad ugu dhawaa Madaxweynaha Somalia balse dhawaan ay kala boodeen ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha gaar ahaan qorshihiisa doorashada soo socota.
C/raxmaan Odowaa wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xassan qorsheynayo sidii uu doorashada Madaxweynaha ee ka dhiici doonta Teendhada uu u u maamuli lahaa sida uu isagu rabo oo ah in dib loo soo doorto.
Mar uu ka hadlayay doorashooyinka qof & codka ah ee Maamulada qaar laga qabtay ayuu Odowaa xusay in Madaxweyne Xasab dadaal ugu jiro sidii uu doorashooyinka uga soo dhex saaran lahaa Xildhibaano isaga uu maamusho marka doorashada la gaaro.
“Xasan Sheekh Madaxweynaha muda xileedkiisu dhamaaday wuxuu wado kasta u marayaa sidii uu u soo saaran lahaa Xildhibaano uu isku hubo si ay teendhada isaga dib ugu soo doortaan” ayuu yiri Xil. Odowaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
