LAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Fahiima Quuje oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyadoona ku sifaysay hogaamiye qabiiliiste ah.
Qoraal ay soo gelisay barteeda Facebook ayay ugu baaqday Beesha Daarood inay diyaarsadaan musharax qabiiliiste ah waxna burburiya sida Madaxweyne Xassan Sheekh waa sida ay warkeeda u dhigtay.
“Xasan iyo sida uu dawladnimadi ugu dalacsiiyay xaafadiisa uguna quweeyay reerkiisa waxba yaynaan warbaahinta lasoo fadhiisan ee musharax daarooda oo qabiiliya oo sidaa Xasan Sheekh Maxamuud Abgaalnimadisa udagan yahay reer nimadiisa udagan wuxuu arkana baduugaya inoo diyaariya jaalle daaroodow Axdu waa ceebe”.
Sidee u aragtaa?

