Xil ka qaadis lagu sameeyay Safiyo Xasan Sheekh iyo Gabar kale oo lagu bedelay (Wareegto)

0

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka looga qaaday duqii magaalada Baladweyne Safiyo Xasan Sheekh.

Wasiir Caadle wareegtada kasoo baxday ayaana xilka Duqa magaalada Baladweyne loogu magacaabay gabar kale oo lagu magacaabo Nadar Tabaax Maalin oo noqoneysa duqa cusub ee magaalada Baladweyne.

Safiyo Xasan Sheekh ayaa noqotay gabadhii ugu horeesay oo duq magaalo ka noqota magaalada Baladweyne, waxa ay sidoo kale aheyd gabadha kaliya oo Duqa magaalo ka ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Maamulka Hirshabelle ayaa marar badan xil ka qaadis ku sameeyay Duqa Baladweyne, Gudoomiyaha degmada Baladweyne iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana dad badan mar walbo layaab ku noqota isbadalada joogtada ah ee ka jira gobolka Hiiraan

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here