Xildhibaan Aamina ayaa caddeysay in aan la heli karin baaritaan dhab ah oo lagu kalsoonaan karo oo ku aadan kiiska Ikraan Tahliil illaa inta laga soo magacaabayo Taliyaha rasmiga ah ee NISA, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo soo magacaabo Taliyaha NISA.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka heshiiyay khilaafkooda, waxaana isku afgarteen in Kusimaha Taliyaha NISA uu sii ahaado Yaasiin Farey, inta laga soo magacaabayo Taliye iyo Taliye kuxigeen la soo marsiinayo Golaha Wasiirada, Madaxweynuhuna uu digreeto ku soo saarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here