Xildhibaan Abdishakur waxuu hore u soo Maray Suxufi iyo Agaasime warbaahineed. Balse waxuu Saaxada Siyaasada ka soo Muuqday Xiligii uu Madaxweynaha ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan ayaa ku soo daray Xukuumadii Reysulwasaare Abdi Farah Shirdon SAACID. iyadoo xiligaa loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiidka

Xiligii Doorashadii Baarlamanka ee 2016 ayuu ka mid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu u suurtageliyey juhdina ku bixiyey inay xildhibano noqdaan. Balse Nasiib ama Nasiib daro tii ay doontaba ha ahaatee waxuu ka mid noqday dadkii 24ti saac ee ugu dambeysay ka soo horjeestay. Burburiyeyna Abaalkii loo galay. Ha ka noqoto dano Siyaasadeed ama Qabiil. Haatan waxaa la gaaray xiligii ay wax walba is bedeli jireen. Marba hadii Doorasho la aadayo. Mana jirto kalsooni balaaran oo uu ku qabo Madaxweyne Farmaajo.

Sidaa Awgeed Xildhiban Abdishakuur ha la yaabina. Waxuu difaacanayaa kursigiisa oo uu is leeyahay armaa lagaa riixdaa. Sidaa darteed inuu Afhayeenka Taliyaha NISA noqdo daruufaa u geysay xili uu idaacada VOA laanta Afsomaligu ay la hadashay. Sababtoo ah Farmaajo waa ogyahay inuu ku caasiyey Xasan Sheekh oo saaxada soo geliyey oo Wasiir ku xigeen ka dhigay. Una fududeeyay inuu xildhiban noqdo. Oo dhinaca Farmaajo cabsi baa ka heysa. Oo FAHAD buu dhankiisa raajicinayaa.

Duul aan Dad iyo Dal waxtar u aheyn waa Masiibada Soomaaliya isha ay leedahay u yeelay. Waxaanan Rajeynayaa in dad badan oo uu Sxbkey Xildhiban Abdishakuur uu ka mid yahay inaysan soo Noqon doonin. Maadaama bulshadii shalay soo dooratay uusan ku noqon intii uu xilka hayey. Waxqabad warkiiba daa. Shaqsiyan waa Sxbkey marna waxaynu nahay dhalyo. Balse waxaa aad ii xanuujisay damiirkiisu heerka liidnaan ee uu gaaray.

Abdurashid Abdulle Abikar Deyl

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here