Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab inuu dagaalka gobolka Hiiraan u adeegsaday dhalinyaro uu soo qafaashay kadibna uu geedo lugaha uga xiray si aanay uga cararin furimaha dagaalka.

Maalik Cabdalla oo kamid ah xildhibaannada lagu soo doortay Beledweyne isla markaana qeyb ka ah siyaasiyiinta Al-Shabaab kula dagaallamaya Hiiraan ayaa tilmaamay inay hayaan caddeymo muujinaya dembigaas

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan uu indhihiisa ku arkay, islamarkaana aysan aheyn baranbogaado ay dowladda ka abuurayso kooxda ay is hayaan.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here