HomeWarkiiXildhibaan C/rashiid Xidig oo Axmed Madoobe iyo Sicid Deni uga digay in...

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo Axmed Madoobe iyo Sicid Deni uga digay in lagu sumeeyo Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka  mid Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal baaq iyo digniin isugu jira wuxuu si gaar ah ugu direy Madaxweynayaasha Maamulada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kuwaasoo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan gogol ay Dowladu u dhigtay mucaaradka la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Xildhibaan C/rashiir Xidid wuxuu uga digay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in lagu sumeyn karo Magaalada Muqdisho isagoona sidoo kale ugu baaqay in ilaaladoodu muujiyaan feejignaan dheeriya dheeraad ah.
Xildhinaanka oo qoraalka digniintiisa soo dhigay baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-
“Bismilaah
Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland
Ahmed Islaam iyo Sicid Deni kusoo dhawaada Magaalada Muqdisho oo Aad la idiinka jecel yahay !! Mudadii aad ka maqneydeena jahwareer siyaasadeed ku jirtay , waxaana laydinka filayaa inaad jid iyo jiho u furtaan idinka iyo saaxiibada Madasha Mustaqbalku:
Sidoo kale Cutubyada Ciidamada Jubaland iyo Puntland ee ka midka ilaalada Khaaska ee ku soo wajahan Magaalada muqdisho Waxaan la socodsiinayaa in Magaalada Muqdisho ay idiinka soo horeeyaan Xildhibaanada 2da Aqal ee Baarlamanka federalka ee Idin matala iyo saaxiibadood, Siyaasiyiin iyo Dad weyne soomaaliyeed oo Qalbi fiican:
Sidoo kale Waxaa idinka soo horeeya kuwa Ciil iyo Cuqdad la dhimanaya oo heerar kala duwan leh:
Sidaas darteed kutalagalkiinu waa Feejignaan buuxda oo dhinac kasta leh Biyo iyo Baad:
Ma jirto cid aad Aamintaan oo Aan ilaahay ka ahayn
Imaada idinkoo marxalad kasta u diyaarsan:
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -