Xildibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ku ah Dowlada Somalia islamarkaana deegaan doorashadiisu tahay Jubaland ayaa soo saaray qoraal uu kaga sheekeeyay marxaladihii colaad ama khilaaf ee hore usoo dhex-maray Hogaanka Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland.
Haddaa halkaan ka akhriso qoraalka Xildhibaanka:-
“Bishii November 2024 ayey ahayd markii Dowlada Jubaland iyo Kooxda xamar mid waliba tijaabiyay muruqyadiisa
1- Khilaafkii shirki xamar madaxweyne Ahmed Islam uu iskaga baxay kadib markuu xaqiiqsaday in lagu tuntay dastuurkii 2012:
Kadib
2- Waxaa dhacday Doorashadii madaxweynaha jubaland 25-11-2024
Kadib
3- Kooxda xamar Waxay soo qaadeen Duulaankii Raskamponi.
Kadib
4- 11-12-2024 Kooxda xamar Waxaa lagaga Adkaaday Raskamponi
5- Kooxda xamar waxa lagu jabiyay isku dayadii dhaqaale ee ay rabeen inay jubaland ku kala furfuran
6- Kooxda xamar waxay godoomiyeen Shacabka jubaland
7- Kooxda xamar waxay weerareen Degmooyinka Baardheere, Beled xawo, Dolow iyo Ceelwaaq oo ay intaba ku guul dareysten
8- Kooxda xamar waxay Abaabuleen Dhismaha New Jubaland oo aakhirkii noqotay Prank.
9- Kooxda xamar waxay xayirtay dhaqaalihi caalamka qeybti jubaland ugu danbeyna caalamka aya shurud uga dhigay haydan bixinin qeybta jubaland in iyagana laga joojinayo.
10- Kooxda xamar waxay isku dayeen inay Jubaland u adeegsadan Dowlado Aan Soomaali ahayn si ay dagaal dhaqaale, ciidan iyo Siyaasadeed ugu qaadan, uguna khasbaan damacooda Doqonimada ah.
11- madaxa Kooxda xamar ayaa Kismaayo si habow ah ku yimid isagoo ku socday tilmaan khalad meelo kale looga soo diray.
12- Kooxda xamar waxay siyaasadeeyeen Abaal marinadii iyo Dalacaadii Ciidamada waxayna ka reebeen geesiyaasha ree jubaland:
13- Kooxda xamar waxay ugu danbayn ku soo jabtay Dagaalkii Kudhaa iyagoo isusoo ekeysiiyay Kooxda duurka ku jirta:
14- 28-1-2026 Kooxda xamar waxay ku jabeen isku daygii doqonimada ahaa ee ay doonayayeen inay Baarlamanka ku afduubaan oo ay marsadaan Dastuur aan Heshiis lagu ahayn:
15- 27-11-2024 Kooxda xamar waxay soo saareen warqad ay ugu yeereen in lagu soo xiro Madaxweynaha jubaland, taasoo ahayd sharci daro iyo Doqonimo indhala,aan iyo Aqoon daro hogaamineed:
Ugu danbayn
Kooxda xamar kadib jabkii shalay Baarlamaanka kaga dhacay Waxaa u baryay waaga iyagoo garowsaday inay Dib u eegaan qaar kamida qar iska xoornimooda:
Waxaadna hoos ku aragtaan warqadan oo lagu saxayo khalad kii cadaalada laga galay hal sano iyo Bilo ka hor:
Ugu danbayn Waxaan ree jubaland gudaha iyo Dibada ugu baaqayaa isku duubni iyo isku tashi iyo inay ilaahay talo saartaan:
Koow ma joogto dhagarta iyo khiyaamooyinka jubaland lala damacsan yahay”
