Xildhibaan C/rashiid Xidig ayaa barihiisa bulshada wuxuu ku soo bandhigay qoraal uu ku dhalilayo habka loo diyaarshay war ka soo baxay Madaxtooyada Somalia kasoo looga hadlayay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu saaka ku tagay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland.
Xildhibaan C/rashidi Xidig wuxuu carabka ku adkeeyay in warka ka soo baxay Vila Somalia ay ka muuqato ciil iyo cadaawad gaamurtay oo ay weli u qabaan Maamulka Jubaland asida uu warka u dhigay Xildhibaanka.
Hadaba Qoraalka Xildhibaan C/rashiid Xidig halkaan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-
Bismilaah
Sidaan qoraalkaygii hore idinku sheegay oo ahayd inaan isha ku hayno farsamooyinka Villa Somaliya iyo fariimahooda Booqashada HSM ee Jubaland:
Qoraalka kasoo baxay xafiiska HSM iyo TV xamar Waxaa ka muuqata Ciil iyo Cadaawad Gaamurtay oo ay weli u qabaan Dawlada iyo Shacabka ree jubaland
Waxaan aad uga xumahay inuu HSM kal madihii ay mudnaayeen u quudhi waayay Madaxweynihii, Dowladii iyo Shacabkii ilaa xalay u taagnaa soo dhaweyn tiisa,
Hadaba Gobonimada iyo xeerka soomaaliyeed ayaa dhigaya in lasoo dhaweeyo marti kuu timid.
Intaas kadib hadaan si degdeg ah loo bedelin waxa lagu qoray TV Kooxda xamar ku godoonsan,
Waxaan cadeyneynaae inaan Jubaland masuul ka noqon doonin fashilka ku yimaada waxa Martida xamar ka timid iyo Dhex dhexaadiyayaashu jubaland ka doonayaan:
