MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay aragtidiisa sida Dowladeena Soomaaliya ay kaga adkaan karto Caddowgeena Itoobiya oo u hanqal taagaya hantida qarankeena.

Xildhbaan C/raxmaan C/shukuur wuxuu xusay in looga adkaan karo Itoobiya dhanka Diplomaasiyadda madaama labada dal maanta isku awood ahayn.

Advertisement

“sidaan oo kale 1977-kii inagaa ka awood badneyn ciidan ahaan iyo dowlad ahaan laakiin maxay sameeyeen waxay nooga adkaadeen dhanka diblomaasiyada sidaas daraadeed maanta waa inaan inagu uga adkaanaa dhankaasi”ayuu yiri Xildhibaana

Mar uu sii jilcinaayay in maanta ay noo sahlan tahay inaan uga adkaano dhanka siyaasada ayuu sheegay Xidhibaanku maanta Itoobiya ay iyagu duulaan nagu yihiin sidaas darteedna aysan heli karin wax qiil ah oo ay damacooda ku gara siiya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSacuudiga oo garab istaagey Soomaaliya.
Next articleCiqaabta guurka Hindiya, dookheeda ayaa loo daldalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here