Hobyo (dayniiile.com)-Kaf-tanka Siyaasada intiisa badan waa qosol iyo qaraaxo hadana xaqiiqo hoose ku fadhiya marka loo eego sida siyaasiyiinta qaar u kaftamaan.

C/raxmaan Cabdi-Shukuur Warsame oo ah Xildhibaan iyo Siyaasi Caan ah ayaa shalay si kaftan ah uga sheegay  xafladii maal-gashiga dekada hobyo arin xaqiiqo ah.

Advertisement

Madaama meesha loogu yeeray inay dhaqaale wax uun ku darsadaan maalgelinta ayuu Xildhibaanku si kaftan ah u sheegay isaga iyo Xildhibaan Odawaa inay meesha iska yimaadeen maahee aysan ku jirin wax dhaqaale ah oo ay hayaan.

“aniga iyo sxb-keey Xildhibaan C/raxmaan Odawaa waxaan ka simanahay, ma nihin dadka siyaasada wax ka hela waan ku shiidnay” ayuu yiri Xildhibaan C/raxman C/Shukuur xili uub qoslaayay dad badana ay ku sii qosleen

Xildhibaanka wuxuu intaasi ku daray in labadooda aysan heysan lacago badan oo ay ku darsadaan maalgelinta Dekada Hobyo.

“cabsina waa na heysaa waxaana is leenahay amaa kista dhela idinka khasaartaa “ayuu mar kale yiri Xildhibaanka oo mar kale raba inuu si kaftan ah ku sheego in dekada Hobyo aan wali la isku haleyn karin maalgelinteeda marka la eego horumar la’anteeda,madaama sanado badan la soo dhagax dhigay wax dhaqaaqayna aysan jirin.

Ugu danbeyn Siyaasigaan caanka ah si uu meesha uga muuqdo hadalkiisana uusan deyro ugu soo xirin ayuu carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay dhankiisa inta tabara inuu ka qeyb qaato maalgelinta.

“si kasta ay ahaataba  qatarta waan idinla qaadaneyna caawa ha la iga iibiyo 10 share”ayuu yiri Xildhibaanka.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan shekh  magacaabista Guddoomiyihii Guddiga shirweynaha dib u heshiisiintii  Galmudug Dr. C/raxmaan Baadiyow iyo Villa Somaliya oo lagu amaanay.
Next articleDAAWO VIDEO: Dab kale oo Saaka ka kacay guri ku yaal Degmada Yaaqshiid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here