Muqdisho (dayniiile.com)-Xildhibaan C/Samad Macalin Maxamuud ayaa maanta ka hadlay warar la faafiyay oo sheegayay in gurigiisa lagu weeraray islamarkaana la isku dayay in la dilo.
Xikdhibaanka ayaa beeniyay in la weeraray gurigiisa,balse wuxuu cadeeyay in shaqaaqo yar oo is faham daro ah uu kula kulmay wadada maka al-mukarama , markii gaari lagu kaxeynaayay uu ku tagay jag boynti ciidamada sirdoonka ay gaadiidka ku baaraan.
“Ciidamada ayaa gaarigeyga ku amrey inuu safka baarista galo kadibna darawalka ayaa la hadlay una sheegay inay xildhibaano saaran yihiin gaariga kadibna wuxuu nagu amray inaan safka galno,markii darawalkii u dhaqaaqay inuu safka galo ayuu u fahmay inaan carareyno kadibna rasaas ayuu nagu furey,qofna wax kuma noqon laakiin muraayada ayay ku dhaceen rasaastii”ayuu yiri Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud.
Xildhibaanka wuxuu intaas ku daray inaaney jirin cid isaga gaar u bartilmaameedsaneysay balse shilkaasi yar uu dhacay.
“Markii rasaasta lagu dhuftay gaarigeyga  waxaa markiiba noo yimid Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac  oo arinta lagu wargeliyay,wuxuuan xabsiga dhigay askarigii xabadaha nagu riday,wuxuu ii sheegay in maxkamad ciidan la soo taagi doono,runtii waan ku qancay talaabada uu qaaday Taliyaha Nabad sugida Xamar”ayuu mar kale yiri Xildhibaan C/samad.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleTaliyaha Nabad-Sugida oo ka hadlay guusha Somalia ee dhanka Hubka
Next articleYaa la soo dagi kara hubka loo fasaxay Soomaaliya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here