Hobyo (dayniiile.com)-Xildhibaan C/raxmaan Cabdi-Shukuur oo ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalana ah Siyaasi caan ah kana soo jeeda Galmudug ayaa markii ugu horeysay ka shifay sir mudo Soomaalida ka qorsooneyd .

Sirtaan oo ay ogaayeen  kaliya dad kooban oo ka soo jeeda dhanka Galmudug ayaa ahayd sababta mar kasta oo la dhagax dhigo dekada Hobyo hadana aysan hagaageyn iyadoo ay dhowr madaxweyne oo is daba maray mid kasta uu dhowr mar dhagax dhigaayay.

Advertisement

Siyaasiga caanka ah ee C/raxmaan Cabdi-Shukuur ayaa xafladii shalay lagu maalgashanayay dekadaasi ka dhex sheegay si cad in mudaba ay laba Beelood isku hayeen dhismaha dekada kuwaasoo hada heshiiyay.

“laba qolo ayaa isku heysay dekada dhismihiisa hadana way heshiiyeen,sidoo kale Madaxweynuhuna wuu ku tufay sida uu sheegay”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi-shukuur

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasabad lagu maalgashanayay Dekada Hobyo+SAWIRRO
Next articlelaba Walaalo oo aano qabiil loogu dilay Gobolka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here